Xiddig U Ciyaara Man United Oo Dagaal Dhex-dhigay Kooxaha Barcelona & Real Madrid.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Bruno Fernandes.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Man United tan ilaa markii uu suuqii January ku soo biiray isaga oo dhaliyay 14 gool 10 kalena caawiye ka noqday 26 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Waxa jira warar sheegaya in uu Bruno Fernandes luminayo kalsoonida tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaaer isaga oo aan ku faraxsanayn qorshihii suuqa ee kooxda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona isku diyaarinayaan in ay u dagaalamaan xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal xilli ay jiraan warar sheegaya in uu doonayo in uu isgaa tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa kooxda Man United kula jira heshiis ilaa xagaaga 2025 ah kaas oo uu saxiixay markii uu ku soo biiray Man United.

Sii Akhriso: Macalin U Dhashay Dalka France Oo Qoorta Laga Jaray Kadib Markii Uu Af-Lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*