Xiddig U Ciyaara Man City Oo Xaqiijiyay Rabitaankii Kooxda Ee Cristiano Ronaldo & Tallaabadii Ay Qaadeen.

Fernandinho ayaa xaqiijiyay in Manchester City ay heshay ‘fursad aad u weyn’ oo ay kula soo saxiixan karto Cristiano Ronaldo ka hor inta uuna ku laaban kooxda Man United suuqii xagaaga.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa dhameystiray ku soo laabashadii cajiibka aheyd ee United ka dib markii uu kaga biiray kooxda Juventus maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga.

Si kastaba ha ahaatee, Fernandinho ayaa daaha ka qaaday in Wakiilka Ronaldo Jorge Mendes uu booqday Manchester City si uu ugala hadlo heshiis ay Man City ugula wareegi karto Ronaldo.

“Waxan u malaynayaa in ay jirtay fursad fiican oo aan kula wareegi karnay Ronaldo”ayuu Fernandinho U sheegay ESPN.

“Waxan u malaynayaa in uu wakiilkiisu yimid kooxda markii uu kooxda kala hadlayay heshiisyada cusub ee Ederson, Ruben Dias, Bernardo Silva & Joao Cancelo”.

“Waxan u malaynayaa in ay xitaa xiddigaha kooxdu qabeen rajo weyn in uu halkan iman doono”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*