Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Maraya Wadadii Trent Alexander-Arnold

Daafaca kooxda Liverpool Ibrahima Konate ayaa diiday qandaraaskii ugu dambeeyay ee kooxda, waxaana lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

26 jirkaan ayaa gali doona sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa xagaagan iyada oo Liverpool ay quus ka taagantahay in ay  heshiis cusub ka saxiixato.

Kooxda Arne Slot ayaa qalbiga ku haysa wixii ku dhacay Trent Alexander-Arnold kaas oo ay xor ku wayday xiddiga.

Sida laga soo xigtay saxafiga Sky Sports ee Sacha Tavoleri Konate waxa uu qalbigiisa u hayaa u dhaqaaqista Real Madrid haddii uu go’aansado inuu ka tago Liverpool.

Xabi Alonso ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo inuu lugo cusub ku daro difaaciisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga