Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Loo Sheegay In Uu Ka Fiicanyahay In Uu U Ciyaaro Reds.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Pacos de Ferreira ee Stephen Eustaquio ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda Juventus ee Diogo Jota ka fiicanyahay in uu u ciyaaro Liverpool.

Eustaquio ayaa sheegay in uu Jota isaga tagi doono Liverpool waliba raadsan doono meel ka saraysa Liverpool mustaqbalka.

Eustaquio ayaa u sheegay La Vanguardia” Jota waxa uu u soo ciyaaray Pacos, Atletico Madrid, Porto haatana waxana uu joogaa Liverpool, waa xiddig aad u shaqeeya”.

“Waa xiddig si xoogan u shaqeeya waana mid u ciyaari si fiican”.

“Muddo dheer ma sii joogi doono Liverpool sababta oo ah waxa uu raadanayaa meel ka saraysa Liverpool, waxa aan la wadaagay qolka labiska markii uu kabtanka noo ahaa da’yarka xulka Portugal”.

“Wakhtiyada adag Jota waxa uu muujiyay awoodiisa shaqsi”ayuu sii raaciyay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*