Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo La Xaqiijiyay In Uu Ku Jiro Xiddigaha Kaydka U Ah Xulka.

Daafaca Liverpool ee Jarell Quansah ayaa wali ku jira xulka England wuxuuna diyaar u yahay Euro 2024, Gareth Southgate ayaa daaha ka qaaday.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa ka mid ahaa liiskii hordhaca ahaa Ee loo Soo xushay ka qayb galka tartanka Euro 2024.

Laakiin xiddiga ayaa Laga reebay liiska kama dambaysta ah Ee xulka Qaranka England uga qayb Gali doono tartanka Euro 2024.

Si kastaba ha ahaatee, maamulaha saddexda libaax ayaa xaqiijiyay in Quansah uu ku Jiro liiska diyaarka ah hadii ay wax dhaawac ah Soo gaadhaan xiddigaha ilaa haatan la xushay.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga