Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo La Bar-Bar Dhigay Halyeeyada Barcelona Ee Xavi & Andres Iniesta

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Jason McAteer ayaa xiddiga da’yarka ah ee kooxda Liverpool ee Harvey Elliot bar-bar dhigay Halyeeyada kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

Elliot ayaa lagu qiimeeyaa in uu yahay xiddig u soo kacaya kubada cagta tan ilaa markii uu sanadkii 2019 Liverpool kaga soo biiray Fulham isaga oo noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee abid ciyaara kulan premier League isaga oo ciyaaray isaga oo jira 16 sano iyo 30 maalin.

Xiddiga 18 jirka ah ayaa amaah ku qaatay xilli ciyaareedkii hore kooxda Blackburn isaga oo dhaliyay 7 gool 11 kalena caawiye ka noqday.

Qaab ciyaareedka Elliott ayaa Klopp ku qanciyay in uu dib ugu yeedho xiddiga waliba ka qayb dhigo kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.

MacActeer ayaa ka mid ah dadka la dhacay qaab ciyaareedka isaga oo bar-bar dhigay laba ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican taariikhda kubada cagta.

“Taageere ayaa u noqday Elliott daqiiqadihii aan helay”ayuu McAteer u sheegay LFC.

“Waxa aan arkay isku diyaarintii ka dhacday dalka Switzerland, baaskiisu wxa uu ahaa mid fiican, taabashadiisu waxa ay ahayd mid cajiib ah”.

“Waa xiddiga ugu fiican booskiisa, aniga ahaan marka aan eego waxa aan arkaa Xavi iyo Iniesta, walina waa xiddig horumar ku jira”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*