Xiddig U Ciyaara Liverpool Oo Iska Diiday In Uu Xitaa La Kulmo Sergio Ramos & Mohamed Salah Oo Sabab U Ahaa.

Da ‘yarka kooxda Liverpool Harvey Elliott ayaa xaqiijiyay inuu iska diiday inuu la kulmo Sergio Ramos markii Real Madrid ay isku dayday inay la soo saxiixato sabab la xidhiidha wixii uu daafaca reer Spain ku sameeyay Xiddiga Mohamed Salah Final-kii Champions League 2018.

17 jirkan ayaa ahaa xiddig aad loo doonayo xagaagii hore iyada oo kooxda Liverpool ee uu taageero iyo Real Madrid doonayeen saxiixiisa markii uu joogay kooxda Fulhma kadib markii ay ay ka hadhay horyaalka.

Kadib markii uu ku biiray Liverpool sheekada ayaa soo baxday taas oo ah in uu Elliot iska diiday in uu la kulmo Kabtanka Real ee Ramos isaga oo iska diiday Ixtiraam uu u hayo Mohamed Salah.

Ramos ayaa dhaawacay Mohmaed SalahDaqiiqadihii hore ee final-kii champions League 2 sano ka hor taas oo dishay fursadihii Reds ee koobka.

Ellioty ayaa xaqiijiyay in ay run tahay sheekada ah in uu iska diiday la kulanka Ramos kaas oo ay Real Madrid u adeegsatay in uu ku qanciyo ku biirista kooxda.

“Haa, Waa Run”ayuu u sheegay The Athletic.

“Waan iska diiday sabab la xidhiidha wixii uu ku sameeyay Mohamed Salah”.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Mar Kale Hawada Ka Celisay Diyaarad Kenya Ka Socotay & Sababta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*