Xiddig U Ciyaara chelsea Oo Qirtay In Uu Ku Dhawaaday Ku Biirista Liverpool Maalintii Ugu Dambaysay Suuqii Xagaaga.

Denis Zakaria ayaa shaaca ka qaaday inuu ku dhawaaday inuu ku biiro Liverpool maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ka hor intii uuna ku biirin chelsea.

Xiddiga khadka dhexe ayaa chelsea kaga biiray Juventus maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga isaga oo Blues ugu biiray qaab maah ah.

Zakaria ayaa haatan kashifay wixii dhacay maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ee la soo dhaafay isaga oo qirtay in uu ku biiri gaadhay Liverpool.

“Waxa aan ka maqlay wakiilkayga in aan ku dhawaada ku biirista Liverpool laakiin ugu dambayntii waxa aan ku biiray chelsea”ayuu yidhi.

“Wax walba waxa ay u dheceen si deg-deg ah, lama socon in aan ku biirayo chelsea ilaa markii ay 6 saac ka dhimantahay xidhitaanka suuqa”ayuu sii raaciyay.

Zakaria ayaa ku dhibaatooday in uu isku muujiyo kooxda Juventus waxana uu inta xilli ciyaareedkan lagu jiro amaah ku qaadan doonaa kooxda chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*