Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Looga Saaray Waajibaadka Xulka Qarankiisa Shaki Xanuunka Korona Ah.

Xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda Chelsea ee Ben Chilwell ayaa kulanka uu xulka qaranka England la ciyaari doono Belguim ku seegay xanuun Looga shakisanyahay Korona.

Daafaca Bidix ayaa chelsea ku soo biiray xagaagan waxana uu dhawaan jabiyay xeerka xanuunka Korona isaga oo ka qayb galay dhalashada Xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Tammy Abraham.

Laakiin xiddiga ayaa haatan seegaya kulanka xulka qaranka England ee soo socda sabab la xidhiidha xanuun looga shakisanyahay Korona inkasta oo aan la hubin.

Warkan ayaa ah mid dhabar jab ku noqonaya Chelsea marka loo eego in uu dhawaan kaliya u ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay.

Chelsea ayaa haatan sugi doonta xaalada xiddiga iyaga oo rajayanaya in uuna noqon xanuunka Korona maadama uu seegi doono kulamada soo socda ee kooxda hadii uu Korona noqdo.

Sii Akhriso: Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Doorashooyinka Golaha Baarlamaanka Matalaya Somaliland Ee Jooga Ee Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*