Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Loo Soo Bandhigay Real Madrid.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa January.

Olivier Giroud ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan bilihii ugu dambeeyay kadib markii uu ka baxay qorshaha Frank Lampard ee booska joogtada ah.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu Giroud doonayo in uu isaga tago kooxda Chelsea xilli uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in wakiilka xiddigu la xidhiidhay Real Madrid si uu ugu soo bandhigo saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayay u badantahay in ay Los Blancos u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga 34 jirka ah sabab la xidhiidha in ay iska fasexeen xiddiga Luka Jovic una baahnayn weeraryahan cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*