Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo La Bar-Bar Dhigay Faras Bilaa Indho Ah.

Rafael van der Vaart ayaa qiimayn adag ku sameeyay xiddiga kooxda chelsea ee Timo Werner isaga oo sheegay in uu xiddiga reer Germany u ciyaaro sidii Faras bilaa Indho ah xilli ciyaareedkisii ugu horeeyay ee chelsea.

Werner ayaa Xagaaii kaga soo biiray chelsea kooxda RB Leipzig isaga oo leh sumcada ah in uu ka mid yahay weeraryahanada ugu fiican laakiin xiddiga ayaa kaliya dhaliyay 10 gool 41 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee kooxaha Tottenham iyo Real Madrid ee Van der Vaart Ayaa ka hadlayay dookhyada weerarka ee kooxda chelsea markii uu soo hadal qaaday xiddiga reer Germany.

Van der Vaart ayaa sheegay in uu jecelyahay Hakim Ziyech kaas oo chelsea kaga soo biiray kooxda Ajax sanadkii hore.

“Mar walba waxa aan ciyaarsiin lahaa Ziyech sababta oo ah waa xiddig fiican”ayuu Van der Vaart yidhi.

“Ziyech waxa uu bixiyaa karoos fiican oo ay u baahanyihiin xiddigaha Mount iyo Giroud”.

“Xiddiga Werner waa xiddig orod badan waxana uu ku fiicanyahay ciyaar marka ay kooxdu cadaasi saarantahay”.

“Laakiin Werner waxa uu u ciyaaraa sidii Faras bilaa indho ah waxana uu arintaas muujiyay kulankii Germany ee ugu dambeeyay”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Iska Ilaaliyaan Waliba Ayna U Soo Istaagin, Ayay Kala Yihiin?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*