Xiddig U Ciyaara Brentford Oo Magacaabay Xiddigii Ay Bartilmaameedsadeen Guushii Ay Ka Gaadheen Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee Brentford Mathias Jensen ayaa sharaxay sida ay kooxdiisu u bartilmaameedsatay Christian Eriksen kulankii ay 4/0 uga badiyeen kooxda Man United premier League.

Kooxda Brentford ayaa ceebaysay kooxda Man United iyaga oo 4 gool ka dhaliay 34 daqiiqo gudohood qaybtii hore ee ciyaarta.

Xiddiga Eriksen ayaa sameeyay laba khalad kuwaas oo sabab u noqday in Man United laga dhaliyo laba gool oo ka mid ah goolasha laga dhaliyay Man United.

Eriksen ayaa xagaagan ku soo biiray Man United isaga oo kaga soo biiray kooxda Brentford oo uu u ciyaaray qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaarta kadib xiddiga Jensen oo ka mid ahaa xiddigaha goolasha u dhaliyay kooxdiisa ayaa sheegay in ay kooxda Brentford bartilmaameedsatay xiddiga Eriksen.

“Waxa ay awoodi waayeen in ay iska caabiyaan cadaadiska aan saarnay iyo kubada dhaadheer ee aan ciyaarnay iyo in ay ku guulaystaan kubadaha labaad, waxaan u malaynayaa in aan shaqo fiican qabanay”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan cadaadis xoogan saarnay xiddiga Christian Eriksen Sababta oo ah waxa uu doonayay in uu maamulo ciyaarta”ayuu sii raaciyay.