Xiddig U Ciyaara Barcelona Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka El Clasico.

Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc André Ter Stegen ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka sida weyn loo wada sugayo ee El Clasico ee ugu horeeya horyaalka premier League.

Taabaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xaqiijiyay in uu Marc André Ter Stegen seegi doono kulanka El Clasico ee horyaalka La Liga.

Tababare Koeman oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ma rumaysni in uu ciyaaro doono kulanka El Clasico”.

“Waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa todobaadka soo socda, ma jirto wakhti uu soo laabanayo oo la ogaaday laakiin waxa aan ku hayn doonaa isha xaalkiisa”.

Goolhayaha reer Germany ayaa ku soo laabtay tabbarka kaliga ah laakiin ilo wareedyo ku dhaw kooxda ayaa sheegaya in uu xiddigu seegi doono ugu yaraan 3-da todobaad ee soo socda.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Goolhayuhu sidoo kale sheegi doono kulanka champions League ee Juventus isaga oo soo laaban doona kulanka Dynamo Kiev ee champions League.

Sii Akhriso: XASAASI: Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Xasan Cali Khayre Oo Balan Qaad U Sameeyay Kenya Hadii Uu Madaxweyne Ka Noqdo Dalka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*