Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Xidha Maaliyad Koox Kale Inta Uu Fasaxa Ku Jiro & Arintaas Oo Wal-Wal Ku Abuurtay Gunners.

Taageerayaasha Arsenal ayaa rajaynaya in uuna Dani Ceballos haatanba si maldahan u go’aamin mustaqbalkiisa kadib markii la arkay iyada oo uu xiddigu xidhanyahay maaliyada Real Betis xilli uu fasax ku jiro.

Ceballos ayaa amaah ku qaatay Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda kula guulaystay Koobka FA Cup-ka.

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga xilli ciyaareedka dambe laakiin kooxda ayaa loo baahanyahay in ay Madrid kala heshiiso saxiixa xiddiga.

Ceballos ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu si joogto ah u ciyaaro waliba Real Madrid u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Xagaagan.

Ceballos ayaa xaqiijiyay kadib ku guulaysigii FA Cup-ka in ay kooxda Real Betis si joogto ah xidhiidh ugula jirtay waliba diiday in uu meesha ka saaro ku laabashada kooxdiisii hore.

“Waxa aan jacayl weyn u hayaa Betis  cid walba uu u shaqaysa kooxda”ayuu yidhi “Way ogyihiin in aan jecelahay mar walbana waxa ay ila soo sameeyaan xidhiidh”.

Kadib hadalkaas Ceballos ayaa dabka ku sii shiday wararka la xidhiidhinaya Real Betis isaga oo lagu arkay isaga oo xidhan maaliyada kooxda Real Madrid isaga oo fasax ku jira wakhtina la qaadanaya Asxbaatiisa.

Dani Ceballos played Parcheesi with his friends whilst wearing a Real Betis shirt

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*