
Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Gabriel Martinelli ayaa mar kale garoomada ka maqnaan doona muddo aad u dheer kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay Kulankii Newcastle ee Sabtidii.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku bilowday shaxda Arsenal kulankii FA Cup-ka ee Newcastle laakiin ku dhaawacmay kulankaas.
Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in uu Gabriel Martinelli mari doono baadhitaan 24-ka saac ee soo socda si loo ogaado xaalada Xiddiga.
Laakiin tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka cabsi qaba war aad u xun oo uga soo baxa xaalada xiddiga.
“Waan ka Naxay, waxa aan joogay Xafiiskayga ka hor kulanka mid ka mid a shaqaalaha caafimaad ayaana ii yimid isaga oo ii sheegay ay kuraantu barartay, aad ayuu u ooyayay waxana uu dareemayay xanuun dara, waxa aan sawiranayaa in uu yahay dhaawac xun laakiin waan sugi doonaa waxa dhaca”ayuu Arteta yidhi kadib kulankii Newcastle.
Be the first to comment