Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Soo Afjaray Fasaxiixsa Kadib Euro 2020, Si Uu U Muujiyo Awoodiisa

Kieran Tierney ayaa haatanba ku soo laabtay tababarka Arsenal kaliya seddex isbuuc ka dib markii Scotland ay ka baxday Euro 2020 waxaana xitaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho kulanka saaxiibtinimo ee sabtida ee ay la ciyaarayaan Rangers.

24-sano jirkaan ayaa seegay kulankii furitaanka qarankiisa ee Czech Republic ee Koobka Qaramada Yurub laakiin wuxuu ciyaaray 90 daqiiqo labadii kulan ee barbaraha goolal la’aanta ah ee England ee Wembley iyo guuldaradii 3-1 ee ka soo gaartay Croatia taasoo keentay in ay ku hadhaan wareega Group-yada.

Caadi ahaan xiddigaha ayaa qaata 4 todobaad ka hor inta ayna tababarka ku soo laaban marka ay dhamaystaan waajibaadka xulalkooda laakiin Tierney ayaa ku soo laabtay kaliya 3 todobaad.

Kooxda Arsenal ayaa ku sugan dalka Scotland halkaas oo ay ku qaadanayaan tababar xiddiga ayaana ku biiray tababarka maalintii arbacadii shalay ahayd waxana la filayaa in uu ka qayb qaato kulanka Sabtida ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Ranges.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*