Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Seegi Doona Xilli Ciyaareedka Cusub & Ciyaaraha Olympics Oo Sabab U Ah.

Kooxda Arsenal ayaa war xun ka heshay xilli ciyaareedkeedka cusub kadib markii xiddig kooxdeeda ah lagu daray liiska xiddigaha ka qayb gali doona ciyaaraha Olympic kaas oo ka bilaaban doono bisha dambe.

Xulka qaranka France ayaa daafaca Arsenal ee William Saliba ku daray Liiska xulka u matali doona tartanka Olympic kaas oo bilaaban doono bisha dambe sidaasna ku socon doona mid bil ah.

Xiddiga William Saliba ayaa la filayaa in uu ka qayb noqdo qorshaha tababare Mikel Arteta isaga oo ka soo laabtay amaahdii uu kaga maqnaa kooxda xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Kooxda Arsenal ayaa waayi doonta xiddiga William Saliba bilowga xilli ciyaareedka cusub kadib markii xiddiga lagu daray Liiska xiddigaha ka qayb qaadan doona tartanka Olympic.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha xulka France ee loo soo xushay Tartanka Olympic:

Goolhayayaasha: Paul Bernardoni (Angers), Gautier Larsonneur (Brest).

Daafaca: Benoît Badiashile (Monaco), Anthony Caci (Strasbourg), Pierre Kalulu (AC Milan, ITA), Clément Michelin (Lens), William Saliba (Arsenal, ANG), Malang Sarr (Chelsea, ANG).

Khadka Dhexe: Eduardo Camavinga (Rennes), Maxence Caqueret (Lyon), Jonathan Ikoné (Lille), Téji Savanier (Montpellier), Florian Thauvin (Monterrey, MEX), Lucas Tousart (Hertha Berlin, ALL).

Weerarka: André-Pierre Gignac (Monterrey, MEX), Amine Gouiri (Nice), Randal Kolo Muani (Nantes), Arnaud Nordin (Saint-Etienne).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*