Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Seegi Doona Kulanka Man City & Xanuunka Korona Oo Sabab U Ah.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Kieran Tierney ayaa la sheegayaa in uu Karantiil ku jiro kadib markii xanuunka Korona laga helay xiddig ay tababarka ku wada qaateen xulka qaranka Scotland.

Kieran Tierney ayaa qirtay inuu ‘ka niyad jabay in uu karantiil galay xilli uu wajahayo in uu seego kulanka Man City ee Kadib Fasaxa xulalka.

Xiddiga Kieran Tierney Ayaa haatan galay karantiil 14 maalin ah kadib markii xanuunka Laga helay xiddiga Ryan Christie kaas oo u ciyaara kooxda Celtic iyo xulka qaranka Scotland.

Kieran Tierney Ayaa seegid oona kulanka ay Arsenal u safri doonto Man City waxana uu qirtay in uu ka niyad jabsanyahay xaalada uu ku jiro.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Arsenal iyo Mikel Arteta marka loo eego in uu xiddiga reer Scotland muhiim ka yahay kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*