Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Loo Soo Bandhigay Chelsea & Gunners Oo Ogol In Uu Ku Biiro Blues Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa in uu wakiilkiisa u sheegay in uu u raadiyo koox ka ciyaarta magaalada London oo uu ku biiro xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Germany oo gabi ahaan ka baxay qorshaha Kooxda Arsenal ayaa si weyn u jecel nolosha magaalada London diyaarna uma ahan in uu isaga tago magaalada London.

Wararka ayaa sheegaya in uu wakiilka xiddigu la xidhiidhay kooxda chelsea una soo bandhigay saxiixa xiddiga reer Germany marka la gaadho suuqa January ee bilowga sanadka cusub.

Xiddiga ayaa gabi ahaan iska diiday fursada uu ugu biiri karo kooxda ay xafiiltamaan Arsenal ee Tottenham waxana uu diyaar u yahay in uu ku biiro Chelsea.

Dhanka kale Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay Chelsea hesho saxiixa xiddiga laakiin u sheegtay in ay heshiiska ku darto xiddiga Jorginho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*