Xiddig Real Madrid Ah Oo Zidane Ka Codsaday In Uu Isaga Tago Kooxda Bishan January.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Martin Odegaard ayaa taabare Zidane ka codsaday in uu isaga tago kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ee Martin Odegaard ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda 1-aad isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Martin Odegaard Ayaa kooxda Real Madrid ku soo laabtay xagaagii kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay kooxda Real Sociedad.

Waxa la filayay in uu xiddigu helo fursad uu isku muujiyo xilli ciyaareedkan laakiin Zidane ayaa u muuqda mid aan ku kalsoonayn xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa haatan sheegaya in uu Martin Odegaard Zidane u gudbiyay warqada bixitaanka kana codsaday in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro bishan January.

Sii Akhriso: Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*