Xiddig Real Madrid Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona Todobaad Ka Hor Kulanka Chelsea

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Fede Valverde ayaa laga helay xanuunka Korona taas oo war xun u ah kooxda Real Madrid ka hor kulanka champions League.

Xiddiga khadka dhexe ayaa ku jiray karantiil tan ilaa Axadii la soo dhaafay kadib markii uu xidhiidh la sameeyay qof laga helay xanuunka Korona.

Waxan haatan la xaqiijiyay in uu xanuunku ku dhacay xiddiga khadka dhexe taas oo war xun u ah kooxda Real Madrid iyo Tabababre Zinedine Zidane.

Arintan ayaa la macno ah in uu xiddigu ka maqnaan doono kooxdiisa 3 kulan oo laba kulan ka tirsanyihiin horyaalka La Liga halka hal kulan ka tirsanyahay champions League.

Fede Valverde Ayaa seegi doona kulamada horyaalka La Liga ee Cadiz iyo Real Betis ka hor inta uuna sidoo kale seegin kulanka chelsea ee champions league ee lugta 1-aad.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*