Xiddig Real Madrid Ah Oo Laga Helay Xanuunka Korona Ka Hor Kulanka Villarreal.

Xanuunka Korona ayaa u muuqda mid God ka helay kooxda Real Madrid kadib markii uu ku dhacay xiddig kale oo kooxda Los Blancos ay kadib markii ay 3 xiddig ka soo kabsadeen maalmihii ugu dambeeyay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee laga helay xanuunka Korona ee Real Madrid ah.

Xiddigaha Eden Hazard, Casemiro & Eder Militao ayaa dhawaan ka soo kabsaday xanuunka Korona kadib markii laga helay xanuunka ka hor fasaxii xulalka.

Luka Jovic ayaa haatan galaya Karintii 10 maalin ah kadib markii uu xanuunka ka soo qaaday waajibaadka xulka qarankiisa.

Jovic ayaa markii hore laga waayay xanunka laakiin kadib markii la xaqiijiyay in xanuunka laga helay 3 xiddig oo ay isku xul yihiin ayaa mar kale laga baadhay xanuunka waxana la xaqiijiyay in uu qabo xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*