Xiddig Premier League Ka Ciyaara Oo Dagaal Adag Dhex-Dhigay Kooxaha Manchester City, Real Madrid, Barcelona

Manchester City, Real Madrid iyo Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dhamaantood xiiseynayaan saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Leicester City Caglar Soyuncu inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

25 jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay Foxes tan iyo markii uu ka yimid Freiburg sanadkii 2018, isagoo u saftay 82 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 32 ka mid ah kulamadii uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore.

Soyuncu ayuu kaliya 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Leicester City sida laga so xigtay Posta waxa jira xiiso weyn oo uu helayo xiddigu inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha Man City, Real Madrid iyo Barcelona ayaa dhamaantood isku diyaarinaya inay u dagaallamaan daafaca dhexe ee lagu qiimeeyo 50 milyan ee euro ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer Turkey ayaa la sheegayaa in uu doorbidayo in uu sii joogo Premier League kuna biiro kooxda Man City sababo la xiriirta xidhiidhka dhaw ee uu la leeyahay xiddiga Ilkay Gundogan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*