Xiddig Muhiim U Ah Real Madrid Oo Laga Helay Xanuunka Korona & Final-ka Spanish Supercopa Oo Uu Seegayo.

Real Madrid ayaa xaqiijisay in Dani Carvajal laga helay xanuunka Korona maalmo kadib markii uu soo bandhiay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii El Clasico ee Spanish Super Cup-ka.

Arintan ayaa la macno ah in uu xiddiga reer Spain seegi doono kulanka Athletic Bilbao ee Final-ka Spanish Supercopa kaas oo dhici doona Axada.

Xiddiga ayaa gali doona karantiil laakiin waxa uu taam u noqon doonaa kulanka La Liga ee ay la ciyaari doonto Real kooxda Elche horyaalka La Liga 23 bishan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Lucas Vazquez ayaa la filayaa in uu ku bilowdo booska Carvajal kulanka Athletic Bilbao ee final-ka Spanish Supercopa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*