
Xiddiga daafaca uga ciyaarakooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa laga helay xanuunka Korona taas oo la macno ah in uu xiddiga reer Brazil seegi doono kulamada Arsenal ee soo socda.
Boxing day-gii ayaa la sheegay in uu Gabriel Magalhaes karantiil ku jiro kadib markii uu qof xanuunka laga helay la kulmay qoyskiisa.
Xiddiga ayaa seegay kulankii ay Gunners 3/1 uga badisay chelsea waxana haatan la xaqiijiay in uu xanuunka qabo taas oo la macno ah in uu seego doono kulamada Brighton iyo West Brom.
Kooxda ayaa warbixin ku soo saartay”Gabriel Magalhaes waxa laga helay xanuunka Korona waxana uu ku jiraa karantiil”.
“Waxa aan sii wadi doonaa in aan la socono xaaladiisa waxana aan Gabriel Magalhaes u rajaynaynaa in uu ka soo kabsado taam-na u noqdo kadib labada kulan ee soo socda”
Be the first to comment