Xiddig Muhiim U Ah Ac Milan Oo Ka Maqnaan Doona Kulanka Liverpool Ee Champions League

Zlatan Ibrahimovic ayaa seegi doona kulanka ay Ac Milan la ciyaari doonto Kooxda Liverpool Arbacada champions league sabab la xidhiidha dhaawac cidhibta ah.

Xiddiga 39 jirka ah ayaa ka soo laabtay dhaawac 4 bilood ah oo jilibka ah Sabtidii isaga oo kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda Ac Milan.

Xiddiga ayaa ciyaaray 7 daqiiqo isla markaas dhaliyay gool kulankii ay Milan 2/0 uga badisay kooxda Lazio.

Laakiin weeraryahanka reer Sweden ayaa seegi doona kulanka ugu horeeya ee ay Milan bilaaban doonto champions League lana ciyaari doonto kooxda Liverpool kana dhici doona Anfield.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Ac Milan marka loo eego in uu xiddiga reer Sweden yahay weeraryahanka ugu khibrada badan maadama uu ciyaaray 120 kulan.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*