Xiddig Muhiim Ah Oo Real Madrid Ah Oo Seegay Tababarka Ka Hor Kulanka Celta Vigo.

Kooxda Real Madrid ayaa qaadatay tababarkii ka horeeyay kulanka Celta Vigo ee horyaalka La Liga laaiin xiddiga Sergio Ramos ayaa seegay tababarka sabab la xidhiidha xanuun.

Kabtanka Los Blancos ayaa qaatay tababar kali ah isaga oo ku qaatay qolka Jimicsiga xilli uu haatan shaki ku jiro in uu seego kulanka.

Zinedine Zidane ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Celta Vigo waxana isha lagu hayn doonaa in uu Ramos ka soo muuqdo Liiska.

Hadii uuna Kabtanku ciyaari karin Zidane ayaa midkood booskiisa ku biixin doona xiddigaha Nacho ama Eder Militao kuwaas oo aan muddo dheer ciyaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*