Xiddig Man United U Ciyaara Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Kooxdu U Soo Bandhigtay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Eric Bailly ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalabkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu u soo bandhigtay si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda kadib markii laga reebay kulankii Europa League ee Ac Milan.

Xiddiga reer Ivory Coast ayaan xitaa kooxda ula safrin Milan waxana la fahamsanyahay in ay arintaas sabab u noqotay in uu iska diiday heshiiskii cusbaa ee ay kooxdu miiska u saartay.

Xiddiga Eric Bailly ayaa la sheeayaa in uu ka niyad jabsanyahay xaalada uu kaga jiro kooxda iyo in uuna si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu Eric Bailly iska diiday dalab Rasmi ah oo ay Man United miiska u saartay xiddiga si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Xiddiga Eric Bailly ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Xiddiga Eric Bailly ayaa kooxda Man United kula jooga heshiis dhici doona xagaaga 2022 waxana ay Man United si aad ah u doonaysay in ay heshiis cusub ka saxiixato.

Laakiin Eric Bailly ayaa iska diiday dalabkii ugu dambeeyay ee ay Man United doonysay in ay heshiis cusub kaga saxiixato xiddiga reer Ivory Coast.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*