Xiddig Man United Ah Oo Seegi Doona Bilowga Xilli Ciyaareedka Cusub, Sabab?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay waayi doonto adeega xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Edinson Cavani labada kulan ee ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub.

Xiddigii hore ee PSG ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo Man United ah taas oo u ogolaanaysa in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uuna Cavani wali ku soo laaban tababarka kadib ka qayb qaadashadiisii tartanka Copa America taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka Leeds United iyo waliba kulanka Southampton ee ku xiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay United xiddiga Cavani siisay wakhti dheeraad ah oo uu ku nasto isaga oo xiddigu haatan ku suganyahay dalkiisa si uu wakhti ula qaato qoyskiisa ku nool dalkiisa.

Xiddiga ayaa dhaliyay 17 gool 6 kalena caawiye ka noqday 39 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Man United taramada oo dhan xiil ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*