Xiddig Man United Ah Oo Mar Kale Laga Helay Xanuunka Korona.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Alex Telles ayaa mar kale laga helay xanuunka Korona kadib markii uu 9 maalin ka hor ka soo kabsaday xanuunka.

Alex Telles ayaa ku soo biiray Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaagii la soo dhaafay laakiin United ayaa xaqiijisay in xanuunka Korona laga helay xiddiga 29 October ka hor inta ayna xaqiijin in uu ka soo kabsaday Xanuunka 6 bishii November.

Laakiin xiddiga ayaa ku biiray waajibaadka xulka qarankiisa iyada oo xulka Brazil haatan xaqiijiyay in mar kale laga helay xanuunka Korona xiddiga Alex Telles.

Xiddiga ayaa haatan karantiil gali doona si uu uga soo kabsado xanuunka oo markii 2-aad ku dhacay kadib markii uu horay ugu dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*