
Tababarahaa kooxda Man United ee Ole Gunner ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah ciyaartooyda kooxdaas uu heleelay xanuunka caabuqa
Arintaas ayaa imaaneysa ka hor kulanka wareegga 3-aad ee FA Cup-ka ee ay la ciyaarayan kooxda Watford.
Macalinka ayaa ka sheegay Manchester Evening News” si sax ah ayaan u raaceynaa tilmaamaha loo dajiyay in uusan faafin xanuunkaas, dib baaritaano ciyaartooyda lagu sameeyay waxaa cadaatay in Facundo Pellistri uu qabo xanuunkaas”.
” Sidaas oo ay tahay Facundo Pellistri xaaladiisa waa ay wacan tahay , dhawaanna kooxda uu ku soo laabanayaa”
Macalin Ole Gunner waxa uu intaas sii raaciyay ” marka laga yimaado Facundo Pellistri , dhamaan ciyaartooyda kooxda waa ay caafimaad qabaan , kulankaasna diyaar ayaan u nahay”.
Be the first to comment