Xiddig Man United Ah Oo Go’aansaday In Uu Isaga Tago Kooxda Suuqa January.

Xiddiga kooxda Man United Juan Mata ayaa lagu soo waramayaa in uu ka firsanayo mustaqbalkiisa kooxda Old Trafford sabab la xidhiidha la’aanta boos joogto ah.

33 jirkan ayaa kaliya 9 kulan u ciyaaray Man United premier League xilli ciyaareedkii ore isaga oo aan ilaa haatan wax daqiiqad ah u ciyaarin kooxda Man United.

Mata ayay wax 12 bilood ka yar ka hadhsanyihiin heshiiskiisa waxana uu qaab xor ah uga tagi karaa kooxda xagaaga dambe si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa diyaar u ah in uu isaga tago suuqa January sida laga soo xigtay Manchester Evening News.

Kadib markii Man United laga reebay EFL Cup fursadaha Mata ee ciyaarista kulamada kooxda ayaa sii yaraatay maadama uuna Solskjaer ciyaarsiin doonin kulamada muhiimka ah.

Kadib imaatinka Sancho waxa sii yaraanaysa fursadaha Mata ee kulamada Man United taas oo keenaysa in uu xiddigu ka fikiro ka tagista kooxda suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*