Xiddig Man City Oo Xaqiijiyay In Uu Pep Guardiola Saxiix Weyn Samayn Doono Suuqa Xagaagan.

Kooxda Man City ayaa u muuqata in ay samayn doonto saxiix weyn oo dhanka weerarka ah suuqa xagaagan kadib markii uu xiddiga Luka Nnecha xaqiijiyay in uu isaga tagay kooxda kadib markii uu xaqiiqsaday in fursadihiisu yaraan doonaan kadib imaatinka weeraryahanka cusub.

Man City ayaa xagaagan waayday Weeraryahankeeda Sergio Aguero kaas oo qaab xor ah ugu biiray kooxda Barcelona waxana ay haatan suuqa ugu jiraan badalkiisa.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland iyo Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man City inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Nmecha ayaa ahaa xiddig Man City ah tan ilaa markii uu jiray 8 sano kadib 4 sano oo amaah uu ku qaatay waxa uu rajaynayay in uu boos joogto ah ka helo kooxda kadib bixitaanka Sergio Aguero laakiin xiddiga ayaa aqoonsaday in uuna sii joogi karin Man City.

“Wali waxa uu hal sano iiga hadhsanaa heshiiskayga”ayuu Nmecha u sheegay markii uu ku biiray kooxda Wolfsburg.

“Waxa ay kooxdu la soo wareegaysaa weeraryahan heer sare ah, umaan malayn in ay fursadahaygu fiicnaan doonaan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*