Xiddig Liverpool Ah Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagay Liverpool

Waxa Si Rasmi ah u dhamaaday wakhtigii Osan Kabak ee Kooxda Liverpool iyada oo uu xiddigu si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda isla markaasna fariin u diray taageerayaasha kooxda.

Kabak ayaa Liverpool ku soo biiray suuqii January isaga oo ugu yimid qaab amaah ah si uu u buuxiyo kooxda kadib dhaawacyii badnaa ee dhanka daafaca ka soo gaadhay kooxda.

Liverpool ayaa dookh u haysatay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga laakiin waxa ay go’aansatay in ayna dhaqan galin dookha iibsashada kadib markii ay la soo saxiixatay daafac cusub.

Kabak ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu isaga tagayo kooxda kadib bilo uu joogay kooxda kana caawiyay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Taageeerayaasha Liverpool ee fiican, waxa aan doonayaa in aan idiinka mahad celiyo taageerada aad ii muujiseen tan ilaa markii aan halkan imid”.

“waxa aan helay Khibrad aanan iloobi karin inta ka dhiman noloshayda waxa aan ku faraxsanahay in aan ka qayb noqdo kooxda Liverpool kana hoos shaqeeyo tababare Jurgen Klopp”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Calaamad Oo Muujinaysa In Uu Ninku Iska Dhigayo In Uu Ku Jecelyahay Laakiin Uuna Wax Jacayl Ah Kuu Hayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*