Xiddig Liverpool Ah Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Zinedine Zidane U Balanqaaday In Uu Ku Biiro Real Madrid Laakiin….

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in mid ka mid ah xiddigaha kooxda Liverpool uu tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane u sameeyay balanqaad ah in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga.

Qaar ka mid ah Xddigaha Liverpool ayaa sanadihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid iyada oo ay ugu horeeyaan xiddigaha Virgil Van Dijk, Salah iyo Sadio Mane.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Sadio Mane tababaraha Real Madrid u balan qaaday in uu ku biiri doono Real Madrid laakiin waa hadii uu ka tago kooxda Liverpool.

Si kasta ha ahaatee wargayska ayaa sheegaya in uuna Mane kooxda Liverpool ku qasbi doonin in ay iibiso oo uu ku faraxsan yahay Anfield diyaarna u yahay in uu ku dhamaysto xirfadiisa ciyaareed.

Mane oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Liverpool ayaa Zidane u sheegay in uu ku biirayo Real Madrid hadii uu ka tago Liverpool.

Advertisements

Mane ayaa xilli ciyaareedkan ku jira qaab ciyaaree cajiib ah isaga oo dhaliyay 18 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale 38 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*