Xiddig Liverpool Ah Oo La Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Kulanka Man City.

Xiddiga Diogo Jota ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Community Shield-ka ee ay Liverpool la ciyaari doonto Man City.

Kadib markii ay ku guulaysteen FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore, Liverpool ayaa la ciyaari doonta Man City kulanka Community Shield-Ka ee ka dhici doona garoonka King Power Stadium 30 bishan lagu jiro.

Reds ayaa doonaysa in ay ku guulaysato koobka markii ugu horaysay tan ilaa 2006 laakiin waxa ay arintaas u dagaalami doonaan la’aanta xiddiga Jota kaas oo dhaawac ku seegaya kulanka.

Xiddiga 25 Jirka ah ayaa ku dhaawacmay tababarka isku diyaarinta kooxdiisa isaga oo aan ilaa haatan wax kulan ah u ciyaarin kulamada ay kooxdu isugu diyaarinaysso xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Jota ayaa seegay ilaa haatan labadii kulan ee ay ciyaartay Liverpool waxana uu Klopp shegay in uu xiddigu sidoo kale sheegi doono kulanka Community Shield-ka.

“Jota waxa uu seegid oonaa kulanka Community Shield-ka, wali waxa aan sugaynaa baadhitaanka laakiin taam uma noqon doono kulanka Man City”ayuu yidhi.