Xiddig Lala Xidhiidhinayo Real Madrid Oo Loo Sheegay In Uu Midkood Ku Biiro Arsenal Ama Tottenham

Rafael van der Vaart ayaa kula taliyay xiddiga kooxda PSV Eindhoven Cody Gakpo inuu ka fikiro u dhaqaaqida Arsenal ama Tottenham Hotspur xagaaga halkii uu ku biiri lahaa Real Madrid.

Taageerayaasha PSV ayaa soo sheegaya in Gunners ay tahay kooxda ugu ugu cad-cad ee doonaysa saxiixa xiddiga xilli ay kooxaha Man City iyo Liverpool ku jiraan tartanka.

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa laga yaabaa inuu lumiyo labada weeraryahan (Alexandre Lacazette iyo Eddie Nketiah) xagaaga, sabab la xiriirta qandaraaska uu dhacayo. Waxa suurtogal ah in ay Arsenal suuqa u gasho weeraryahan cusub.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Holland kaasoo u soo ciyaaray Tottenham iyo Real Madrid xirfadiisa, ayaa dareensan inay u fiicnaan doonto Gakpo inuu ku biiro England marxaladan xirfadiisa ciyaareed.

“Haddii uu tago, waa inuu aadaa Tottenham ama Arsenal ama kooxo u dhexeeya, Hadii Real Madrid dalab ka gudbiso waxa aan u sheegayaa in uu iska diido”ayuu yidhi.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA