Xiddig Lala Xidhiidhinayay Arsenal Iyo Man United Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro….?

Xiddiga kooxda Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis hordhac ah la gaadhay kooxda Juventus si uu ugu biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Serie A xagaaga dambe.

27-sano jirkaan oo 7-dii sano ee lasoo dhaafay la joogay kooxda Aquilotti, ayaa waxaa si xoogan loola xiriirinayay inuu isaga tagayo caasimadda Talyaaniga, xilli ay xiiseynayaan kooxo badan oo Yurub ah.

Saddexda kooxood ee Premier League ee Arsenal, Manchester United iyo Liverpool ayaa dhamaantood lagu tiriyaa inay xiiseenayaan khadka dhexe ee weerarka, si la mid ah Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka suuqa kala iibsiga ee Talyaaniga Alfredo Pedulla ayaa sheegay in Juventus ay ku guuleysatay tartanka loogu jiro saxiixa Milinkovic-Savic, iyadoo ciyaaryahanka uu ogolaaday inuu ku biiro kooxda ka hor xilli ciyaareedka 2023-24.

Pedulla ayaa intaa ku daray in Milinkovic-Savic iyo wakiilkiisa Mateja Kezman ay wadahadalo kula jireen madaxda Juve dhowr bilood iyada xiddiga reer Serbia haatan ogolaaday in uu ku biiro Juve.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*