Xiddig Laf Dhabar U Ah Man City Oo Ka Fikiraya In Uu Isaga Tago Etihad, Hal Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagi doono kooxda Man City xagaaga hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay Racfaan ka qaadato ganaaxa champions League.

Sida ay haatan arimuhu yihiin Man City ayaan laba sano oo xidhiidh ah ka qayb qaadan karin tartanka champions League kadib markii laga ganaaxay markii lagu helay dambi ah in ay jabaisay xeerka dhaqaale wanaaga.

Heshiiska Kevin De Bruyne ee haatan ayaa dhici doona xagaaga 2023 laakiin wararka ayaa sheegaya in ay Man City doonaysay in ay heshiis cusub ku abaalmairso xiddiga reer Belguim.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in uu 28 jirku ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Man City xagaaga hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay racfaan ka qaadato ganaaxa champions League.

Wararka ayaa sheegaya in uu Kevin De Bruyne haatanba iska diiday heshiiskii cusbaa ee ay kooxdu u soo bandhigtay isaga oo sugaya go’aanka ka soo baxa Racfaanka Man City.

Advertisements

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*