Xiddig Ka Ciyaara Premier League Oo Ku Qasbi Doona Kooxdiisa In Uu Ku Biiro Liverpool.

Weeraryahanka Newcastle United Anthony Gordon ayaa lagu soo waramayaa in uu shaqo joojin sameeyo hadii ay Newcastle u ogolaan waydo in uu ku biiro Liverpool xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa aad loola xidhiidhinayaa xiddiga Anthony Gordon kaas oo ay Reds doonayso in ay ku xoojiso kooxda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa taageere u ah Liverpool waxana uu doonayaa in uu ku biiro kooxda xagaagan.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Reds ayaa sii wadata xiisaha ay u qabto saxiixa Gordon waxayna sheeganayaan in 23-sano jirkaan uu sameyn karo shaqo joojin si uu u xaqiijiyo u dhaqaaqista Anfield bishaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid ahaa akadeemiyada Liverpool markii uu yaraa balse waxa la fasaxay isagoo 11 jir ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga