Weeraryahanka Arsenal Kai Havertz ayaa la filayaa inuu maqnaado illaa horraanta ama bartamaha Janaayo, kaddib dib-u-dhac ku yimid soo kabashadiisa qalliin fudud oo jilibka ah, sida uu sheegay Daily Mail.
Havertz ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii Manchester United ee furitaanka Premier League-ga Arsenal 17-kii August, taas oo keentay in toddobaad kaddib lagu sameeyo qalliin.
Wararka ayaa sheegaya in Havertz uu kaliya hal toddobaad u jiro inuu ku soo laabto liiska ciyaarta bishii November, balse dhibaato kale uu dareemay intii lagu jiray tababarradii ugu dambeeyay. Tan iyo markaas, weli dib uguma soo noqon tababarka buuxa.
Arsenal ayaa hadda qorshaynaysa in Havertz uu diyaar u noqdo xulashada kooxda bartamaha Janaayo. Waxaa jirta fursad yar oo uu kaga mid noqon karo kooxda kulanka Premier League ee ay la ciyaarayaan Liverpool 8-da January, balse kulanka FA Cup-ka wareegga saddexaad ee ay la ciyaarayaan Portsmouth, saddex maalmood kaddib, ayaa loo arkaa waqtiga ugu macquulsan ee uu ku soo laaban karo.
Be the first to comment