Xiddig Haaland Ka Fiican Oo La Magacaabay

Weeraryahankii hore ee Real Madrid, Inter iyo AC Milan Antonio Cassano ayaa aaminsan in weeraryahanka Manchester City Julian Alvarez uu ka fiican yahay Erling Haaland, isagoo sheegay in xiddiga reer Norway uusan aheyn xiddig khaas ah.

Alvarez, oo 22 jir ah, ayaa Manchester City kaga soo biiray River Plate ka hor xilli ciyaareedka 2022-23 ka dib markii heshiis 15.30 milyan ah kula wareegtay suuqii January ee sanadkan.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa 3 gool u dhaliyay kooxda Man City tartamada oo dhan kaliya 179 daqiiqo oo uu u ciyaaray City tartamada oo dhan.

Haaland, dhanka kale, waxa uu Etihad Stadium kaga yimi Borussia Dortmund adduun dhan 54 milyan oo euro bishii June waxana uu dhaliyay 10 gool lix kulan oo Premier League ah waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah.

Isagoo ka hadlayay Bobo TV Cassano ayaa is barbar dhigay labada weeraryahan wuxuuna amaanay Alvarez. Wuxu yidhi:“Aniga ahaan, Julian Alvarez aad ayuu uga xoog badan yahay Haaland, Haaland waxa uu dhalin doonaa 90 gool, aad ayuu u xoogan yahay, aad ayuu uga xoog badan yahay [Romelu] Lukaku laakiin Alvarez waxa uu ka fiicanyahay Haaland dhinaca tayada”.

“Haaland ma ahan mid khaas ah Haaland waxa uu la mid yahay Adriano-hii Inter iyo Horumarkii Christian Vieri”.