Xiddig Barcelona U Ciyaara Oo Seegay Kulanka Granada Inkasta Oo Uu Markii Hore Ku Bilowday Shaxda.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ronald Araújo ayaa seegay kulanka ay Barcelona la ciyaarayso kooxda Granada inkasta oo uu markii hore ku bilowday shaxda.

Tababare Ronald Koeman ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddiga Ronald Araújo saacad ka hor kulanka markii uu shaxda soo saaray.

Laakiin xiddiga Ronald Araújo ayaa ku dhaawacmay tababarkii ka horeeyay kulankataas oo Tababaraha ku qasabtay in uu badal sameeyo.

Sidaas darteed Koeman ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddiga Samuel Umtiti isaga oo ku badalay xiddiga dhaawacma ee Ronald Araújo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Si Waali Ah U Ixtiraamaan, Miyaad Ka Mid Tahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*