Xiddig Barcelona U Ciyaara Oo Iska Diiday Liverpool Suuqii January.

Kooxda Liverpool ayaa wacdaro dhigtay maalmihii ugu dambeeyay suuqii january ee la soo dhaafay iyaga oo doonayay in ay xoojiyaan daafaca dhexe.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabtay saxiixa xiddiga daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti si ay ugu xoojiyaan daafaca.

Laakiin Daafaca ayaa iska diiday in uu u soo dhaqaaqo Anfield si uu u sii joogo kooxda Barceona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa dhaawac wakhti dheer ah ku wayday xiddigaha Virgil Van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip kuwaas oo seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sidaas darteed Reds ayaa Samuel Umtiti u calaamadsatay badalka daafacyada ka dhaawacmay si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool la xidhiidhay Barcelona si ay u hesho saxiixa Samuel Umtiti.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona ogolaatay in uu xiddigu ku biiro laakiin xiddiga ayaa diiday in uu ka tago kooxda kuna biiro Liverpool.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*