Xiddig Arsenal Lala Xidhiidhinayo Arsenal Oo Doonaya In Uu Ku Soo Biiro Premier League.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Lyon ee Lyon Houssem Aouar ayaa weli ku riyoonaya inuu ka ciyaaro kuna biiro horyaalka premier League sida laga soo xigtay Fabrizio Romano.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Arsenal xagaagii oo dhan laakiin kooxda reer London ayaa ku fashilantay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha in ay Lyon dalbatay lacag aad u badan.

Xiddiga khadka dhexe ee Aouar ayaa ku bilowday si fiican isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday horyaalka Ligue 1.

Fabrizio Romano oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Houssem Aouar wuu jecelyahay prmeier League waxana uu doonayaa in uu ku soo biiro”.

“Waxa la ii sheegay in ay Arsenal doonayso saxiixa xiddig noociisa oo kale ah, markii hore way doonayeen saxiixa xiddiga sidaas darteed waa in ay qiimeeyaan xaaladooda”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha Loo Doortay Maraykanka Ee Joe Biden.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*