Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Iska Diiday Real Madrid Markii Uu Tallo Ka Helay Xiddig Ay U Wada Ciyaaraan Gunners.

Kabtanka Arsenal Martin Odegaard ayaa kula taliyay saaxiibkiis William Saliba inuu diido u dhaqaaqista Real Madrid, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain.

El Nacional ayaa sheegtay in Los Blancos ay aad u dooneysay saxiixa Saliba xagaagii. Si kastaba ha ahaatee, way ku qancin waayeen xiddiga reer France in uu ku biiro kooxda kadib markii uu tallo ka helay xiddiga Odegaard.

Sida ay sheegayaan wararku Odegaard ayaa Saliba u sheegay in ay Real Madrid bur-burin doonto xirfadiisa ciyaareed hadii uu ku biiro kooxda.

Saliba ayaa ugu dambayn go’aansaday in uu ku laabto Arsenal isla markaas sii joogo kooxda ka dhisan caasimada England.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal xilli ciyaareedkan isaga oo laf dhabar u noqday kooxda Mikel Arteta.

Saliba ayaa ciyaaray 7 kulan oo premier League ah waxana uu dhaliyay 2 gool halka uu caawiye ka noqday mid kale ilaa haatan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*