Xavi: “Weli waxaan nahay koox dhismo ku socdo”

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa sheegay in kooxdiisa ay “dhisme ku socoto” halka Bayern Munich ay hore u lahayd “koox la dhisay” ka dib guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Bayern.

Guud ahaan ciyaarta Barcelona ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca fursadaha iyo waliba maamulista ciyaarta laakiin Bayern Munich ayaa guul gaadhay.

Ciyarta kadib tababare Xavi ayaa sheegay in ay kooxdiisu tahay in ay wax ka bartaan khaladka ay sameeyeen  halka uu sidoo kale sheegay in ay kooxdiisu khasaarisay fursado fiican bilowgii ciyaarta.

“Waxa aad odhan kartaa, Bayern haatanba waa koox dhisan, laakiin Barcelona wali dhisme ayaa ku socda, waxa ana ku jirnaa bilowgii safarkeena”ayuu Xavi yidhi.

“Ma maamuli kartid ciyaar kadib goolal lagaagama dhalin karo weerar rogaal celis ah, waxa nalagu helay koorne kadib waxa isla markiiba nalagu qaaday weerar rogaal celis ah iyada oo ciyaarta laga dhigay 2/0 sidaas darteed waa in aan wax ka barano khaladkeena”ayuu sii raaciyay.