Xavi Oo Sameeyay Qirasho Ka Farxisay Taageerayaasha Barcelona.

Halyeeyga Kooxda Barcelona ahna tababaraha kooxda Al-Sadd ee Xavi ayaa xaqiijiyay in uu si joogto ah ula xidhiidho madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporte xilli lala xidhiidhinayo shaqada tababaranimo ee Barcelona.

Halyeeyga Barcelona ayaa loo arkaa badalka Ronald Komen hadii uu tababaraha reer Holland isaga tago kooxda Barcelona mustaqbalka dhaw.

41 jirka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyay hogaaminayay kooxda Al-Sadd waxana uu ku guulaystay koobkiisii 5-aad ee xirfadiisa tababare.

Laporta ayaa horay madaxweyne ugu soo noqday Barcelona intii u dhexaysay 2003/2010 markaas oo uu Xavi u ciyaarayay kooxda waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu tabaabre uga dhigo kooxda.

Xavi ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay doorashadii Barcelona iyo waliba in uu Laporte ku soo laabtay kooxda Barcelona.

“Laporte waxa aan nahay saaxiib wanaagsan, si fiican ayaan u garanayaa”ayuu Xavi u sheegay beIN SPORTS.

“Waa madaxweynihii ugu fiicnaa ee aan soo maray”.

“Barcelona haatan waxa ay ku soo laaban doontaa halkii ay u qalatay dhaqaale ahaan iyo ciyaaro ahaanba, waxana aan u rajayanayaa nasiib fiica waxana aan u xidhiidhnaa si joogto ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*