Xavi Oo Qaab Ciyaareed Fiican Ka Soo Saaray Luuk de Jong & Dani Alves

Inkastoo ay barbaro niyad jab ah Leh kala kulantay Granada sabtidii, hadana Barcelona ayaa ku farxi doonta horumarka qaab ciyaareedka Luuk de Jong xilli soo laabashada Dani Alves uu kooxda siiyay dookh kale oo daafaca ah.

De Jong ayaa ku dhibatooday qaab ciyaareedka qaybtii hore ee xilli ciyaareedka laakiin sanadka cusub waxa uu dhaliyay 2 gool labadii kulan ee uu ciyaaray taas oo Barcelona siinaysa war fiican.

Dhanka kale Dani Alves ayaa ku bilowday kulankiisii ugu horeeyay ee La Liga waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo muujiyay in ay kooxdu ku tiirsanaan karto.

De Jong ayaa dhaliyay gool kulankii Mallorca ee toodbaadkii hore waxana uu u muuqdaa mid kalsooni buuxa waliba caawin kara kooxdiisa kulamada soo socda.