Xavi Oo Maamulka Kooxdiisa U Sheegay Tirada Saxiixyada Uu Doonayo Xagaaga.

Tababaraha Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu kooxda u sheegay in uu doonayo ugu yaraan 8 xiddig oo cusub marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga xilli ay Kooxdu doonayso in ay mar kale u tartanto koobabka.

Barcelona ayaa ku fashilantay in ay wax koob ah ku guulaysato xilli ciyaareedkan kadib si xun oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Xavi ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo 8 xiddig oo cusub ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka hore.

Barcelona ayaa haatanba la sheegayaa in ay dhamaystirtay saxiixyada xiddigaha xorta ah ee Franck Kessie & Andreas Christensen kuwaas oo ay sugayso inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedka si ay ugu dhaqaaqaan saxiixooda.

Si kasta ha ahaatee Xavi ayaa maamulka Kooxdiisa u sheegay in uu doonayo ugu yaraan 6 xiddig oo kale si uu u helo koox koobabka ku tartami karta xilli ciyaareedka dambe.